English | Somali 

Booga Hore | Xarumaha Tawakal | Nala soo xiriir | Waydiin

 
 
 
 
 
 
 
     
 
 
 
 
 
 
 
 
 

 

 


 
  History  
 

Xawaaladda Tawakal iyo waayaheedi

 
 


a-Markay dawladdii Somaliyeed burburtay 1991, dagaallo lagu hoobtayna ay dalkii wada gaareen, ayey dad tiro badan oo Somaliyeed qaxeen, iyadoo ay qaarkoodna dalka gudihiisa u kala carareen, qaarna dalalka dibadda u qaxeen.

Maadaama wax walba oo hanti ah laga cararay, waxay dadkii qaxay kaalmo weydiisteen dadkoodi dibadaha jiray, kuwii deganaa degaanada aan weli laga qaxin, dalalka dariska ah iyo guud ahaan adduun weynaha. Waxay heleen gurmadyo kala duwan, Waxaa ugu soo hormaray uguna waxtar fiicnaa, noqdayna midkii kaligiis waaray, gurmadkii dadka somalida soo gaaray, midkii ay soo direen dadkii Somaliyeed ee horay dalalka dibadda u deganaa, kuwii joogay degaanadii lagu qaxay ee ka mid ahaa dhulka Somaliyeed ee aan dagaaladu ka dhicin iyo dalalka dariska ahba.

Kol hadduu dalkii kala xirxirmay oo loo kala qoqobay reer reer iyo degaan degaan, waxaa gurmadkii dhaqaale iyo isku gudbinta fariimihii dadkii kala lumay qayb weyn ka qaatay Qalabka Taararka oo dhabtii Unkay adeegga Xawilaadda ee dalka gudihiisa, laba beelood oo kasta oo dagaalamayayna dadkii ehelka ahaa ee ku kala xayirmay lacagaha u kala gudbin jiray.

b-Dadkii u qaxay dalalka dariska ah waxaa gurmadku u soo marayey meelo kala duwan oo si dhib badan ku soo gaarsiin jiray. Mararka qaarkood laba bilood ayey qaadan jirtay in ay lacagtu ku gaarto dadka loo gurmanayo iyada oo ay sababtu ahayd:
- Dadka qaxootiga ah oo aan haysan sharci ay Bangiyada kula macaamilaan.
- Xeryaha qaxootiga oo inta badan ka fog bangiyada.
- Safarka dalalka lagu qaxay dhexdooda la isaga goosho oo khatar badan lahaa, qaalina ahaa.
Dhibaatooyinkaas oo isbiirsaday ayaa keenay in uu abuurmo adeegga xawilaadda lacagaha.

Taariikhda Adeegga Xawilaadda Somaliyeed
iyo marxaladihii uu soo maray:

Marxaladdii 1’aad: Baahidaas deg degga ah ee dadka Somaliyeed ku dhacday waxay dhashay in ay dadkii Amaanada horay loogu bartay ay muddo aad u gaaban ku dhiseen shirkado Somaliyeed oo lacagta ka soo aruurinaya dadka Somaliyeed ee dibadaha jira iyo kuwa dalka dhexdiisa lacagta ka soo dirayaba, waxaana dhashay shirkado tiro badan oo bilowgii adeeggooda gaarsiin jiray degaanno gaar ah maadaama dalka iyo dadku kala xirxirnaayeen. Shirkadahaani, bilowgoodi lacagtu way ku daahi jirtay, sababta oo ah waxaa jiray dhibaatooyin ay ka mid ahaayeen; isgaarsiin la’aan, dadka oo aan meel daganayn oo guurguurayey, shaqada oo aan la aqoon iyo baahida oo la dhalatay burburkii deg degga ahaa ee qaranka ku dhacay iwm .

Marxaladdii 2’aad Shirkadihii xawilaaddu waxay ka gudbeen heerkii degaanka ku dhisnaa, waxayna dhammaan bulshada dhexdeeda ka kasbadeen kalsooni aad u ballaaran, waxay gaareen in meelkasta si furan oo nadiif ah ay tayada adeeggooda ugu tartamaan. Waxaana furmay tartan xoog leh oo ganacsatada xawaaladda dhexmary, tartankaasi wuxuu dadweynaha Somaliyeed u keenay faa’iido tiro badan oo ay ka mid tahay:
In lacagtu deg deg u soo gaarto iyo khidmaddii adeegga oo ka soo dhacday 15 % ilaa 5 % boqolkiiba iwm.

Shirkadda Tawakal waxay ka soo jeedda aqoon iyo waaya aragnimo xawiladeed oo isku biiray. Waxaa dhisay shirkadda rag khubaro ku ah xirfadda xawilaadda oo ka mid ah dadkii Somaliyeed ee ugu horeeyey xawilaaddaha, waa maamulayaashii shirkadihii AARAN oo la dhisay 1991, Al Amal oo la dhisay 1992, Tawalkii hore 1996, Addoolo 1996, Shabiix 1996 kuwaas dhammaantood ka mid ahaa aasaasasyaashii shirkaddii weyneyd ee Amal Express, hase yeeshee, gooni uga istaagay, tawakalna dhisay sanadkii Feb 2203, taas oo adeegga xawilaadda bilowday 1/7/2003.

Tawakal ayada oo ka faa’iidaysatay waaya aragnimadaas waxay ku qaan gaartay muddo saddex bilood ka yar, waxayna ummadda ka heshay aqoonsi iyo xiiso aan la qiyaasi Karin.

Hadafka Shirkadda Tawakal
Haddafka loo dhisay shirakadda Tawakal waa ka ganacsiga suuqa xawaaladda lacagaha iyo adeegyada la xiriira, sida, adeegga bangiyada, sarifka iwm. Iyadoo marwalba la hagaajinayo tayada adeegga Xawaaladda iyo adeegyada kalaba. Hadafka shirkadda Tawakal waxaa kale oo tiir dhaxaad u ah u adeegidda bulshada iyo shaqo u abuuridda dadweynaha soomaliyeed, waxaana mudnaanta koowaad leh qancinta iyo maqsuudinta macaamisha oo ah in saacado gudahood lagu gaarsiiyo meel kasta oo lacag loo dirayo.

Bartilmaameedyada Tawakal ( objectives)
Tawakal waxay leedahay bartilmaameedyo ay lagama maarmaan tahay in ay gaarto, Allaah idanki. Waxaana ugu muuhiimsan kuwa hoos ku qoran :
a- Badinta faa’iidada iyo yaraynta kharashka, iyada oo lagu gaarayo in la casriyeeyo farsamada shaqada, lana abuuro shaqaale xirfad sare leh oo ku qanacsan shaqadooda. Waxaana la gaari doonaa in la xusho wakiillo lacag qabasho ( kuwa dibadda ) oo tayo sare leh, adeegsadana qalabka casriga ah ee kombiyuutarka iyo isgaarsiin jaban, soona jiidan kara macaamiil badan. Haddii Allaah idmo Tawakal waxay balaarin doontaa suuqyada ganacsiga dibadda iyo gudahaba.

b- Haddii la helo maal ku filan iyo maamul awoodi kara, Shirkadda Tawakal waxay furan doontaa Bangi Islaami ah, waxayna abuuri doontaa shirkado kale oo Tawakal ka farcama qabtana noocyada kala duwan ee ganacsiga, sida: warshadaha, dhismaha iyo guriyeynta iwm.
c-Shirkadda Tawakal waxay higsanaysaa in ay noqoto shirkad caalami ah, waxayna iska diiwaangalisay dhammaan dalalka uu ganacsigeedu ka socdo, waxayna gaartay hadafkeedi kama danbaysta ahaa oo ah in lacagta Amerikada waqooyi laga soo diro ay saacad iyo ka yar gudaheed ku gaarto tuulada ugu fog Somaliya iyo guud ahaan daafaha adduunka.

d-Marka la gaaro waqti ku habboon, lana helo awood maamul oo ku filan, Golaha hantiilayaasha Tawakal waxay albaabada shirkadda Tawakal u furidoonaan dhammaan ganacsatada danaynaysa ku soo biiridda Tawakal waxayna shirkadda u rogi doonaan Saamiley (shares) uu qofkastaa saami jaban ka gadan doono.

Si hadafka kor lagu soo sheegay loo gaaro, loona qanciyo macaamiisha iyo walaalaha ganacsatada ah ee goor walba codsanaya in ay shirkadda Tawakal xubin ka noqdaan, golaha hantiilayaashu waxay shirkadda u furi karaan in ay ku soo biiraan Saamilayaal, aasaasayaal iyo hantiilayaalba.

Si looga nabad galo dhibaatada ka imaan karta lagdanka siyaasadeed ee ka dhexeeya dhinacyada kala duwan ee ku tartama siyaasadda Somaliya shirkadda Tawakal waxay qaadatay mabda’a dhexdhexaadka ah ee ku kooban ganacsiga iyo siyaasadaha la xiriira ganacsiga oo kaliya.

Shirkaddu waxay ka qaybgalaysaa wax kasta oo maslaxad u ah umadda soomaliyeed: sida, samafalka, waxbarashada iyo caafimaadka iwm.

 
     
     
     
 
 

All Rights Reserved. copyright 2004 © tawakulexpress.com