English | Somali 

Xarumaha Tawakal | Nala soo xiriir | Waydiin 

 
 
 
 
 
 
 
     
 

Opinion Poll

Ma ku faraxsan tahay shaqadeena ? 
Haa | Yes
Maya | No
Ma aqaano | I Don't Know
 

Xarunta Tawakal ee Hargaysa

 

 
  Fahamka Mustaqbalka Nolosha  
 

 

 
  Waxa aan ku hayno Xawaaladda Tawakal ma ahan kaliya “xawaalad” laakiin muhiimaddu waa dariiqada aan marno oo u abuurnay.

Waxaan aaminsanahay in nolol wanaagsani ay u baahan tahay qaab wanaagsan oo lagu socdo oo gaar ah. BaniAadamku wuxuu aaminsan yahay in uu yahay kan laga doortay khalqiga, anaguna waxaan sii aaminsanahay in aan nahay umadda laga doortay umadaha. Laakiin horjoogeyaasheena nololeed ayaan sidii la rabay waddada noogu hagin, sidaa awgeedna aan ku gaari la’nahay hadafkii nololeed in badan oo ka mida.

Umadda manta waxaa haga laba armood:

1. Hoggaamiyeyaal ula jeedadooda ugu muhiimsan ay tahay inay awood sare lahaadaan, oo aan dan ka lahayn kor u qaadid iyo kala fududayn culayska nolosha ka haysta umadda.
2. Maalgalin ay ka faa’iidaan dad tirsama oo xaddidan oo aan dan ka lahayn horumarka guud ee umadda.

Tawakal Express ayaa waxay soo jeedisay qaab dhismeed awood niyad sami iyo xikmad ku socda una danaynaya umadda si guud ahaan ah.

Dhiiri galin khaas ah oo ku salaysan faa’iido lagu wada badhaadho oo ku dhisan iskaashi iyo aragti dheer.

Tawakal Express waxay abuurtay xiriir toos ah oo ka dhexeeya dhamaan macaamiisha iyo xarumaha shirkadda oo toos ah, meeshii ay ka ahaan lahayd xiriir midba mid ku daba faylsanaado oo ka sugo jawaab iyo warbixin. Arintaani waxay suurtogalisay in laga wada duulo isku meel iyada oo la tiigsanayo isku ujeeddo.

Sida la ogsoon yahay gacan wada jirta waxay abuurtaa shaqo wanaagsan waxaana ka soo baxa natiijooyin la mahdiyo. Waana tan ku khasabtay Tawakal Express in ay tixgalnta 1aad siiso hurimarinta umadda Soomalaiyeed.
 
     
     
     
 

Horudhac. Waxaa Shirkaddaan soo diyaariyay khubara aad ugu xeel dheer xawaaladda kuna lahaa kaalin aad u saraysa horumarinta Xawaaladaha Soomaaliyeed maaddaama uusan jirin Bank dhexe oo kala haga lacagaha dibadda iyo gudahaba.

Tawakal oo koritaankeedu aad u sareeyo ayaa waxay ka mid tahay xawaaladaha caalamiga ah ee sida hufan hawl qabadka u muujiyay iyada oo adeegsanaysa nidaam casri ah iyo shaqaale xirfad u leh hawshooda, tix galinta macaamiishuna ay tahay arinta koobaad.

Tawakal waxay si toos ah u caawinaysaa Soomaalida ku kala firirsan adduunka oo dagaalka sokeeye saameeyay kana burburiyay nidaamkii bankiyada, taasina waxay ka dhigaysaa in Shirkaddu mar kastaba ay dib u cusboonaysiin degdeg ah ku samayso mashaakilaadka soo kordha iyada oo laga faa’iidaysanayo khibradaha soo kordha.

Arigtada labaad ee Shirkaddaan wuxuu si toos ah isha ugu hayaa ganacsatada soo koraysa, iyada oo si gaar ah loogu fududaynayo kala gudbinta lacagaha mar kastaba sida ay ugu baahdaan. Qodobkaan waxaa loogu tala galay in uu u fido si caalami ah.

Tawakal, waxaa intaas u sii dheer inay aqbasho soona dhawayso dacwooyinka iyo aragtida kaga timaadda macaamiisheeda iyada oo lagana faa’iidaysanayo khibraddii sanadihii u damabysay laga helay xawaaladaha.

Is baddaladaas aan soo xusan waxay taageero fiican siinayaan dariiqyada horumarineed, adegga macaamiisha, wakiillada iyo shaqaalaha iyada oo lagu tiirsanyahay markastaba Sharciga Diinta Islaamka lagalana tashanayo culimada Diinta.

 
     
     
 

creations @ ucsdubai | copyright 2004 © tawakulexpress.com | All Rights Reserved