| |
Aragtida Tawakal ay
tiigsanayso waa in ay noqoto Xawaaladda ugu horaysa Xawaaladaha
Waxaan ku duulaynaa in aan tartan culus la galno shirkadaha nagula jira
shaqada inaga oo ku gudbinayna lacagaha qaab horumarsan oo la daraasadeeyay,
tixgalinayna qaybaha Shirkadda iyo shaqaalahaba, si taxadar iyo gacan ku
hayn leh.
Shirkadda Mustaqbalka.
Tawakal oo saldhiggeedu yahay Imaaraadka Carabta, waxay si rasmi ah ugu
gudbisaa dhaqdhaqaaqeeda dawladda Imaaraadka Carabta maaddaama aysan hawshu
socon karaynin haddii aan dawladdu kaalmo ka gaysan waxqabadkeeda.
Twakal oo ah shirkad ganacsi ma faragalin doonto wax siyaasad ah waxayna ugu
adeegaysaa dadka leh iyo kuwa ay u adeegtaba isku mid meel kasta oo ay
joogaanba. Waxayna ku socon doontaa qorshe la dajiyay oo ka tarjumaya adeega
macaamiisha iyo tix galintooda, horumarinta shaqaalaha, horukac joogto ah,
horumarin wax qabad iyo adeeg iyo Maamul Shaqaale iyo lacageed.
|
|