English | Somali 

Booga Hore | Xarumaha Tawakal | Nala soo xiriir | Waydiin 

 
 
 
 
 
 
 
     
 

Poll Results

Ma ku faraxsan tahay shaqadeena ? 
 Haa | Yes 
68%/370 
 Maya | No 
32%/178 
 Ma aqaano | I Don't Know 
No Votes 0%/0 
Total Votes : 548
 

 

 


 
     
 

 

 
 

Horudhac. Waxaa Shirkaddaan soo diyaariyay khubara aad ugu xeel dheer xawaaladda kuna lahaa kaalin aad u saraysa horumarinta Xawaaladaha Soomaaliyeed maaddaama uusan jirin Bank dhexe oo kala haga lacagaha dibadda iyo gudahaba.

Tawakal oo koritaankeedu aad u sareeyo ayaa waxay ka mid tahay xawaaladaha caalamiga ah ee sida hufan hawl qabadka u muujiyay iyada oo adeegsanaysa nidaam casri ah iyo shaqaale xirfad u leh hawshooda, tix galinta macaamiishuna ay tahay arinta koobaad.

Tawakal waxay si toos ah u caawinaysaa Soomaalida ku kala firirsan adduunka oo dagaalka sokeeye saameeyay kana burburiyay nidaamkii bankiyada, taasina waxay ka dhigaysaa in Shirkaddu mar kastaba ay dib u cusboonaysiin degdeg ah ku samayso mashaakilaadka soo kordha iyada oo laga faa’iidaysanayo khibradaha soo kordha.

Arigtada labaad ee Shirkaddaan wuxuu si toos ah isha ugu hayaa ganacsatada soo koraysa, iyada oo si gaar ah loogu fududaynayo kala gudbinta lacagaha mar kastaba sida ay ugu baahdaan. Qodobkaan waxaa loogu tala galay in uu u fido si caalami ah.

Tawakal, waxaa intaas u sii dheer inay aqbasho soona dhawayso dacwooyinka iyo aragtida kaga timaadda macaamiisheeda iyada oo lagana faa’iidaysanayo khibraddii sanadihii u damabysay laga helay xawaaladaha.

Is baddaladaas aan soo xusan waxay taageero fiican siinayaan dariiqyada horumarineed, adegga macaamiisha, wakiillada iyo shaqaalaha iyada oo lagu tiirsanyahay markastaba Sharciga Diinta Islaamka lagalana tashanayo culimada Diinta.

 
     
     
     
 
 

All Rights Reserved. copyright 2004 © tawakulexpress.com